Somali News

Duqeymo culus oo lala beegsaday saldhigyo ay Al-shabaab kaga sugnaayeen magaalada Galcad

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Howlgal si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamiga ah oo ka dhacay 2 saldhig oo muhiim u ahaa Al-shabaab ku leeyihiin Degmada Galcad iyo halka loo yaqaano ceel-Wadalaan oo duleedka ka ah Magaalada.

Jugta Diyaaradaha waxaa laga maqlay Hiiraan iyo Shabeellaha dhaxe, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo looga hadlay duqeymaha diyaaradaha ay ka geysteen Galcad.