Somali News

Duqeyn lagu dilay shabaab oo ka dhacay G/Bay

Muqdisho-KNN-Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Maraykanka ayaa 10 xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab ku dilay duqeyn xagga Cirka ah oo ka dhacday meel 150 km Koofur galbeed uga beegan Muqdisho, kana tirsan Gobolka Baay.

Ujeeddada duqeyntan dhanka cirka ah ayaa lagu sheegay in ay tahay mid lagu ku doonayo in lagu baabi’iyo awooda Al-shabaab.

Ciidamada xooga ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay wadeen howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Mareykanka ayaa kordhay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanada ay joogaan Al-shabaab.