Somali News

Duqeyn lala eegtay Gaari ay la socdeen xubno ka tirsan Al-shabaab

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn ay Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen Deegaanka Cali hayle ee ku yaala xadka Sh/dhaxe iyo Galgaduud.

Qoraal ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Gaari ay la socdeen maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa lagu burburiyay howlgal maqribnimadii caawa ka dhacay Deegaanka Cali Hayle waxaana gaariga saarnaa Hor-joogayaal ka tirsan cadowga”

Dhowaan ayay aheyd markii duqeyn kale oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab lagu dilay dagaalameyaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab.