Somali News

Duqii hore oo Muqdisho oo war kasoo saaray boobka dhaca dadka Soomaaliyeed loogu geysanayo K/Afrika

Muqdisho-KNN-Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa war kasoo saaray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee boobka joogtada ah loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiye Thaabit ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee lagu dhibaateynayo dalkaas, si loo badbaadiyo naftooda iyo maalkooda.

Hoos ka akhriso qoraalka guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed oo sidaan u qornaa:-

Boobka iyo dilka lagu hayo muwaadiniinteena ku nool dalka South Africa ee soo laalaabtay ma ahan mid indhaha laga qarsan karo. South Africa waxaan u galnay abaal weyn oo taariikhda Afrika iyo caalamkaba meel uga qoran, maanta in ay muwaadiniinteena sidaas foosha xun ula dhaqmaan waa wax aanan la aqbali karin.

Dowladda South Africa, waa in ay si deg deg ah wax uga qabataa gummaadkan aan kala sooca laheyn ee loo geysanayo wallaalahooda Afrikaanka ah ee qeyb ka ah kobaca dhaqaalaha South Africa.

Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa in ay arinkan wax ka qabato oo ay u dirto wafdi heerkiisu sareeyo si looga dhiidhiyo waxna looga qabto tacadiyadan joogtada ah ee muwaadiniinteena lagu hayo. Sidookalena iskaashi kala sameyso wadamada Afrikaanka kale ee aan dhibtan la waddaagno si ay cabasho wadajir ah ugu wada gudbiyaan Midowga Afrika.

Ilbiriqsi walba naf iyo maal Soomaaliyeed baa ku baaba’aya sidaa daraadeed waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmadaa muwaadiniinteena.