Somali News

Erdogan oo balan-qaaday in Turkigu soo saari doono tallaal anfici doona caalamka oo dhan

Ankara-KNN-Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in markii ugu horreysay uu ku howlan yahay in uu soo saaro tallaal looga hortaggayo cudurka Karoona.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa uu sameynayo tallaalka gaar ah oo looga hortaggayo cudurka Covid-19.

Wuxuu sheegay in tallaalka marka uu diyaar noqdo la siin doono dhammaan banii’aadanka isla markaana aanan cidna laga tegi doonin marka lasoo saaro tallaalka uu sameynayo Turkiga.

“Waxaan tallaalkeenna siin doonaa dhammaan banii’aadanka iyadoo la raacayo mabda’a ah in aanan cid laga tegi doono marka xarigga laga jaro tallaalka” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Wasiirka caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in tallaalka ay soo saari doonaan sanadkan.

“Waxaan rumeysanahay in tallaalka ugu horreeyay ee aan soo saari doono uu diyaar noqon doono bishan Augsuta ama September” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in muddo gaaban gudahood ay ku soo saari doonaan tallaalka gaarka ah ee Covid-19.