Somali News

Eritrea oo soo afjartay ka aamusnaantii dagaalka DF iyo Tigray-ga Itoobiya

Dowladda Eritrea oo in muddo ah ka aamusneyd xaaladda dagaal ee ka taagan dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay, maalmo kaddib markii ay xoogagga gobolka Tigray gantaallo ku garaaceen magaalada caasimadda ah ee Asmara.

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Asmara, Mane Gebre-Meskel, ayaa baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka, kusoo afjaray aamusnaantii dowladdiisa.

Xisbiga TPLF ee maamula gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya ayuu ku eedeeyay inay wadaan wa uu ugu yeedhay “ficillo sheydaan”.

Mr Gebre-Meskel ayaa canaan dusha uga tuuray hoggaanka Tigray-ga xilli uu isbuucii saddexaad galay dagaalka culus ee u dhaxeeya xoogagga gobolkaas iyo ciidamada dowladda federaalka Itoobiya.

Hadalka kooban ee uu wasiirka Warfaafinta Eritrea soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu intaas kusii raaciyay: “Muhiim ma aha inaan xoojinno soo afjaridda aan la saadaalin karin ee xisbiga TPLF”.

Qoraalka, Mane Gebre-Meskel kuma uusan soo hadal qaadin arrinta ku saabsan gantaalladii ay ciidamada Tigray-ga ku rideen magaalada Asmara.

In kastoo Ge bre-Meskel uu caan ku ahaa hadallo isdaba joog ah iyo farriimo uu kasoo diri jiray arrimaha la xiriira qaranka Eritrea iyo kuwa gobolka ee khuseeya waddankiisa, haddana waa markii ugu horreysay ee uu mowduucaas taabto tan iyo markii ay colaaddu billaabatay.