Somali News

Faah-faahino ka soo baxaya weerar caawa ka dhacay Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Xaruunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in caawa Bam-gacmeed lagu weeraray saldhiga Booliiska ee ay ku leeyihiin xaafadda Horseed.

Goobjoogyaal ayaa sheegay in weerarka kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidanka Booliska Hirshabeelle ee ku sugnaa Saldhiga la weeraray.

Bam gacmeedkan ayaa waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah askarta saldhiga, waxaana durba  magaalada ka bilowday howlgallo lagu baadigoobayo kooxihii ka dambeeyay falkan.