Somali News

Faah-faahin dil ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Muqdisho-KNN-Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa galabta lagu dilay Nin Oday ah oo sida la sheegay ka tirsanaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee lagu soo doortay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Dilka ayaa sigaara kaga dhacay Suuqa Cabdalla Shideeye oo ka mid ah qeybaha Suuqa Weyn ee Bahaaraha sida ay KNN u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Labo dhalinyaro ah oo Bistoolado ku hubeysan ayaa dilay Marxuumka, iyagoo dilka ka dib goobta iskaga baxsaday.

Waa ruuxii labaad oo ka mid ahaa Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo 24 saac gudihiis lagu dilay magaalada Muqdisho.

Nabadoon ka tirsanaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo galay Hir-Shabeelle ayaa salaadii Casir ee shalay kadib waxaa gudaha Masjid ku yaala degmada Yaaqshiid ku dilay labo dhalinyaro ah oo Bistoolado ku hubeysnaa, marxuumka ayaa markii la dilayay Akhrisanayay Kitaab Jaamac ah, mana jirto cid loo soo qabtay dilkiisa.