Somali News

Faah faahin:- Injineero ajaaniib ah oo ku dhaawacmay Qarax maanta ka dhacay duleedka Muqdisho

Muqdisho-KNN-Saraakiisha amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in ugu yaraan 4 qof ay ku dhaawacmayn Qarax maanta ka dhacay degaanka Jaamacadda Shabeelle ee duleedka Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka la geliyo ayaa waxaa uu haleelay Gaari ay saarnaayeen Injineero dhinaca Korontada ah oo isugu jira 2 Ajnabi ah iyo qof qof Soomaali ah iyo sidoo kale hal Askari, wadarta dhaawaca ayaa noqonayaa 4 qof oo laba kamid ah yihiin ajaaniib.

Xaaladda dhaawacyada ayaa la sheegay iney aad u wanaagsan tahay markii laga reebo qof ka mid ah oo la sheegay inuu qabo dhaawac culus, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta amaanka ee gobolka Banaadir.