Keydka Sawiradda

Faah-faahin iyo Sawiro Qaraxii ka dhacay Magaalada Baledweyne

Baledweyne–KNN--Faah-faahin Dheeri ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo uu Fuliyay Nin Isku soo Xiray Waxyaabaha Qarxa islamarkaana Beegsaday Maqaayad ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah oo ku taal Meel u dhow Xarunta Gobolka Hiiraan Ee Baledweyne.

Illaa Saddex Qof oo uu ka mid yahay Qofkii Isqarxiyay ayaa ku dhintay Qaraxa Maanta ka dhacay Magaalada Baledweyne,waxaana ku dhaawacmay  ku dhawaad 20 kale.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow oo shir jaraa’id goobta ku qabtay ayaa sheegay in labo ruux ku dhinteen qaraxa.

Sidoo kale isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa la dhigay tiro ku dhaw 15 ruux oo qaarkood qaba dhaawacyo culus.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira saddex wariye ah oo u shaqeynayay TV kala ah Jubbaland,  Saab,  iyo RTN,  waxaana la sheegay in wariyaha dhaawac culus uu soo gaaray wariyaha C/llaahi Cismaan Macalin oo ka tirsan TV Jubbaland.

Ciidamada amniga ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo dadka iyo gadiidka u diidaya in ay ka soo agdhawaadaan.