Somali News

Faah-faahin Qarax ka dhacay Aargada xeebta Liido

Muqdisho-KNN-Qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah degmooyin gobolka Banaadir ayaa ka dhacay degmada Cabdul Casiis.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday Gaari nuuca raaxada ah (Fillar) waxa uuna ka dhacay Aargada xeebta Liido ee Muqdisho.

Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Gen. Zakiya Xuseen ayaa barteeda Facebook ku soo qortay in qaraxaasi ka dhacay Aargada Liido uusan geysan wax dhimasho iyo dhaawac ah toona.

Gaariga oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay goob ladhigto gawaarida.

Wixii ka soo kordha kala soco halkaan: