Somali News

Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax ka dhacay Baraawe

Qarax jugtiisa laga wada maqlay inta badan xaafadaha magaalada Baraawe ayaa ka dhacay boosteejada Koonyo Barow ee magaaladaasi. 

Warar kala duwan ayaana kasoo baxaya qaraxan balse goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in qaraxa la dhigay goob lagu iibiyo qaadka oo ku taalla boosteejada baabuurta ee Kuunyo Baroow, sida wararka hordhaca ah aan ku heleyno wali majiro wax qasaara ah lagasoo wariyey. 

Laamaha Amniga ee degmada Baraawe ayaana wali ka hadlin qaraxa maanta ka dhacay magaalada,Waxaasa arrintan ay kusoo aadeysaa iyadoo magaalada ay gaareen maanta saraakiil ciidan.