Somali News

Ciidamada DF iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay G/Sh/Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo weerar culus oo gelinkii dambe ee xalay lagu qaaday fariisimo ay ciidamadda dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa si gaar ah  uga dhacay Buundada yar ee degmada Afgooye, iyadoo dagaalka uu socday mudo kooban, kaas oo lisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goob joogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhimashada dagaalka ay gaarsiisantahay hal qof iyo dhaawaca laba kale, inkastoo xog dheerad ah aan laga helin weerarka.

Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanayo goobihii ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda ayaa  saaka sheegaya in ay degan tahay isla markaana isku socodka Ganacsiga iyo Gaadiidka ay yihiin kuwo si caadi ah