Somali News

Faah faahino dheeraad oo laga helaayo Kenyo.

Nairobi-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii lagu qaaday Hotelka Dusit oo caan ku ah (D2) oo ku taala magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in gudaha Hotelka ay ka dagaalamayaan Kooxdii weerartay waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada amaanka ayaa wada howlgal aan weli guuleysan oo lagu badbaadinayo dadka ku jira gudaha Hotelka.

Dadka ku jira Hotelka waxaa ka mid ahaa Soomaali iyo dad kale oo ajaaniib iyo Kenyaan ah. Waxa uu ka mid ahaa Hoteelada ugu mashquulka badan Kenya.

La soco wixii ku soo kordha.