Somali News

Faah faahino ka soo baxay qarax Ciidanka Dowladda lagula eegtay Ceelasha Biyaha

Faah faahino dheeraad aha ayaa ka soo baxaya Qarax khasaada geystay oo Ciidanka Dowladda xalay lagu eegtay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala beegsaday askarta Xaslininta, waxaana uu ka dhacay meel u dhow Isgoyska Ceelasha Biyaha.

Khasaare u badan dhaawacyada Askartii saarneyd gaariga ayuu sababay qaraxa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaasi.