Somali News

Faah faahino ka soo baxaya Duqeyn culus oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jamaame ee koofurta Gobalka Jubbada Hoose waxa ay sheegayaan in xalay halkaas ay ka dhacaday Duqeyn Diyraadaha dagaalka ay  bartilmaameydsady Maleeshiyaad katirsan Kooxda Al-shabaab.

Duqeyntan waxaa la sheegay inay si wadajir ah ufuliyeen Dowladda Soomaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee taageera waxa ay beegsadeen saldhiyo dagaalamayaasha  Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaano ay shalay lagu dagalamay Ciidamada dowladda iyo Dagaalmayaasha Al Shabaab.

Deegaanadaasi waxaa kamid ah bangeeni iyo Bandar jadiid waxey hostagan Magaalada jamame ee Gobalka Jubada Hoose.

Howlgalkan lagu beegsaday saldhigyada Shabaabka ayaa ahaa mid qorsheysan, waxaana dadka degaanka ay sheegeen mar kaliya in ay ku soo baraarugeen jugta Duqeynta Diyaaradaha ay fuliyeen.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan warbixin khaasro ka dhashay Duqeyntii ay la beegsadeen Al Shabaab Balse dadka deeganka waxa ay soo wariyeen in duqeynta lagu burburiyay Saldhigyo Al Shabaab kulahaayeen Deeganada kala ah Bangeeni iyo Bandar Jadiid.

Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhaya weerarada qorsheysan ee ay fulinayaan Ciidamada Dowladda iyo Saaxiibada Caalamka ee taageeraha Dowladda, kuwaas oo lagu bartilmaameysanayay Goobaha ee ku suganyihiin Dagaalamyaasha Al Shabaab.