Somali News

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo goordhow ka dhacay meel u dhow Hoteelka Ramadaan ee degmada Yaaqshiid.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday gaari nuuca loo yaqaan Prado oo marayay meel u dhow Hoteelka Ramadaan.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga ay saarnaayeen Ciidamo ka tirana Dowladda Soomaaliya.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxa, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Ammaanka.