Somali News

Faah faahino ka soo baxaya shil gaari oo ka dhacay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta suuqa beerta ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Shilka ayaa yimid ka dib markii mid kamid ah gawaarida xamuulka ah uu fariin goostay, isla markaasna uu ku dhacay mooto bajaaj iyo gaari nuuca raaxada ah oo loo yaqaano Saarif.

Sida ay goobjoogeyaal inoo xaqiijiyeen, shilka ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux, halka dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdishu ku soo badanaayay shilalka ay geysnayaan gawaarida xamuulka ah, kuwaasi oo geysta khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.