Somali News

Faah-faahino ka soo baxaya weerar lagu qaaday Saldhiga Booliiska Yaaqshiid

Rag hubeysan ayaa maanta barkhadii weerar ku qaaday Saldhiga Booliiska degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana la soo warinaya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Ciidamo uu watay Sarkaalka NISA ugu magacaaban deegaanka Daaru-salaam ay isku dhaceen Ciidamada Ilaalada Saldhiga Booliiska Yaaqshiid.

Ugu yaraan afar ruux oo isugu jira laba kamid ah Askartii soo qaaday weerarka iyo hal askari oo ka tirsan Booliiska iyo haweeney rayid ah.

Saraakiisha Booliiska Yaaqshiid oo aan xiriiro kala duwan la sameyanay ayaan na siin wax faah-faahin ah oo ku aadan dagaalka.