Somali News

Faah faahino ka soo baxaya weerar qaraxyo ah oo Al-shabaab ku qaadeen magaalada Balcad

Ciidamada Amniga ayaa sheegay in ay fashiliyeen qaraxyo ay dagaalameyaasha Al-shabaab ku soo weerareen magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe. 

Qoraal kooban lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu yiri:

“Ciidamada Qaranka ayaa saakay fashiliyey dhagar ay Khawaarijtu u soo maleegtay shacabka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay isku dayeen inay magaalada soo geliyaan” 

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in qaraxa uu burburiyay Guryo ay lahaayeen dad shacab ah , mana jirto dhimasho ah oo soo gaartay shacabka.