Somali News

Faahfaahin:- Booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Ciidammada ammaanka ayaa Caawa waxaa ay gacanta ku dhigeen ninkii waday gaariga ku qarxay agagaarka iskaashatooyinka gaadiidka ee degmada Xamar weyne ee Gobalka Banaadir.

Ciidanka ayaa sidoo kale xiray labo qof oo la tuhmay. Ma jiro khasaare Nafeed oo ka dhashay qaraxaasi, sidan waxaa Twitter-ka Ku soo qortay Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa Ku yaala xarumo ganacsi oo ay ka shaqeystaan dhalin yaro badan.

Sidoo kale goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa lagu dhaqaa gaadiidka, iyadoona ay xusid mudan tahay inay halkaasi ay guriga hooyooyinka, halka sidoo kale ay u dhowyihiin Hotelada SYL, Muna iyo Beerta Nabada ee Muqdisho.