Somali News

Faahfaahino ka soo baxa qarax lala beegsaday wasiir oo caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Waxaa faahfaahino dheeraad ah laga helayaa qarax caawa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Duraan Faarax Axmed oo ah wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgoyska KM-4, degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana ka badbaaday wasiirka iyo ilaaladii al socotay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka.

Nooca qaxaraas waxaa lagu sheegay miino wadada dhinaceeda la dhigay, waxaana la aaminsanyahay in bartilmaameedkiisu ahaa kololyadii gelbineysay wasiir Duraan.

Goobjoogayaal ayaa noo sheegay in qaraxu dhacay markii ay gudbeen gadiidkii uu la socday wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo halkaas marayey. welina si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas.