Somali News

Faahfaahino ka soo baxaya duqeyn lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacday Shabeellada Hoose

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn xooggan oo diyaarado dagaal ka geysteen Degmada Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Duqeynta ayaa waxaa lala beegsaday Madax sare oo ka tirsan dagaalameyaasha Al-shabaab iyo xubno la socday oo uu shir uga socday gobolkaasi Shabeellada Hoose.

Ilo dhaca ammaanka ah ayaa sheegay in goobta la duqeeyay ay ku sugnaayeen Amiirka Al-shabaab Abuu Cubeyda iyo Mahad Karatey.

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku geeriyooday, tiro intaasi ka badan waa ay ku dhaawacmeen duqeyntaasi ka dhacday deegaanka Sablaale.

Xubnaha duqeyntaasi ku dhaawacmay ayaa waxaa kamid ah Mahad Karatey oo Al-shabaab  u qaabilsan

Saaxiibada Caalamiga ee dowladda Soomaaliya ka caawiya dagaalka Al-shabaab ayaa waxaa ay kordhiyeen duqeymaha ay la begsanayaan goobaha ay dagaalameyaasha Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolada dalka.