Somali News

Faahfaahino ka soo baxaya weerar lagu qaaday Hoteel Ku yaala Kismaayo

Kismaayo-KNN-Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax kadibna ay xigtay Weerar toos ah oo lagu qaaday hotelka Medina horeyna loo oron jiray Cas Caseey, kaas oo ku dhow Aargada Magaalada Kismaayo.

Qof kamid ahaa dadkii weerarka ka badbaaday oo la hadlay idaacada kulmiye balse diiday in codkiisa qalabka warbaahinta loo adeegsado ayaa tirada raga shabaabka ah ku sheegay in ay ahaayeen 4 nin oo ku labisnaa dareesta Ciidamada Booliiska Jubbaland.

“Jug ayaan maqlay qeybta dambe ee hotelka ayaan joogay,nasiib wanaag waan badbaaday, laakiin aniga indhaheyga waxa ay arkeen rag ku labisan dareeska Ciidamada Booliiska Jubbaland oo 4 ah,kuwaasi oo oranaya kan wuu nool yahay ee dhameystir”ayuu yiri qofkaasi ka badbaaday qaraxa.

Hotelkan la weeraray ayaa ku yaalla Xaafada Faanoole,waaxda isku filan,waxaana uu u dhaw yahay aargada Magaalada Kismaayo.

Hoteelka weerarka lagu qaaday waxaa degganaa, Sanatoro ka tirsan Dowlada, Xildhibaano ka tirsan Jubbaland,odayaal dhaqameedyo,Dad shacab ah,waxaana sidoo kale la sheegay in hotelkan uu ahaa saldhiga ugu weyn ee Musharaxiinta Madaxtinimada ee Maamulka Jubbaland.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo Khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo Weerarka, laakiin warar ay heshay idaacada kulmiye ayaa sheegaya in dhaawacu uu ka badan yahay 50 qof.

Ciidamada Jubbaland iyo dableyda ayaa haatan la soo sheegayaa in ay ku dagaalamayaan qeybta sare ee Hotelka Madiina Cas Caseey ee Magaalada Kismaayo.