Faalooyin Somali News

FAALLO: Damaca dhalinyaradu, maanta waxuu ku dhamaadaa Madaxtooyada!

Muqdisho-KNN-Shalay markii uu dalku burburay Odayaashii qabaa’ilka iyo dhalinyaradii waxey soo ag dhoobteen Hogaamiye Kooxeedyadii dalka, wey u dagaalamayeen, wey waardiyeyn jireen,waxaana loo dirsan jiray shaqo walba, marka laga reebo bariis jaay ah iyo majimo qaad ah  mooyee majirin wax kaloo xuquuq ah oo ay dhalinyaradu ku laheyd ragaa ilaahey u qasbay iney awoodooda isticmaalaan,kii dhinta, kii dhaacma iyo kii ku cuuryaamana horaa looga socon jiray, balse mararka qaar dhalinyarada waxaa ku jirtay armaa Hogaamiye kooxeedkiinu dalka madax ka noqdaa sidaana uu meel dhaanta meeshaan idiin geeyaa.

Rajadaas ay dhalinyarada qaarkood naftooda iyo waqtigooda ugu hurayeen Nin hogaamiye ah oo isagu dushooda ku gorgortamaya, maalinba meel bey soo taagneyd, mararka qaar waxaaba dhici jirtay in dhalinyaradu hogaamiye kooxeedka dartiis ay dakano uga gasho dhalinyaro kale, misna iyagoo dakanadaas qaba ayuu hogaamiyuhu isagoo aan dhalinyarada ka talo gelin wuxuu heshiis la gaari jirey hogaamiye kale oo ay in mudo ah iska soo horjeedeen, Waa taariikh dheer iyo dhacdooyin aan u soo joogay oo hadaan is iraahdo ka sheekee u baahan in lagu qoro baalal badan,balse 30 sano waxaa maanta ii muuqata saasaantii oo kale.

Dhamaan dhalinyaradu halka ay maanta wada tiigsanayaan waa Madaxtooyada, waxeyna arkeen dhalinyaradii kaga horeysay  sida ay u noolaayeen mudada uu xilka Madaxweynanimo ama Reysalwasaare hayay Ninkii ay la soo ololeeyeen markii uu xildoonka ahaa, wey jiraan dhalinyaro badan oo damacoodii ku hungoobay ka dib markii uu soo bixi waayay Ninkii ay mudada sanadka ah u ololeynayeen kulana joogeen shaxaad iyo bariis, maadaama aaney wax heshiis la galin oo isaga iyo iyaguba iskula howlgalayeen rajo iyo mustqbal, waa suurtagal in dhalinyaro badan oo Nin xil doon ah dartii u dakanoobay ama ula kala dhintay dadkale in marka Ninka ay wateen guuldareysto uu cidla kaga dhaqaaqay,

Hada waxaa la joogaa waqtigii ay 4 tii sanaba mar Musharixiinta  xilka ugu sareeya dalka ku haminaya ay isi soo xaadirin jireen, waxey isugu jiraan wajiyaal la yaqaan iyo kuwa dadka ku cusub oo soo naq raacay, mid walbana waxa uu howlgeliyey ugu yaraan boqol dhalinyaro ah, isaga oo  koox walba howl gaar ah u xilsaartay , saacadaha shaqadoodu ma xadidna, wax heshiis ah oo la wada galaana ma jiro, Dhalinyaradu Af iyo adinba Ninkaa waa u dagaalamayaan {Social Media} , waxaa la qurxinayaa sawiradiisa iyo muuqaaladiisa, isagu si uu isaga dhigo Nin balaayo ka dhacday wuxuu leeyahay I daba orda, marka uu guriga ku caajiso wuxuu mar gurigiisa ugu tagayaa musharax kale,mar wuxuu booqdaa Ugaaskiisa, mar wuxuu shirar isdabajoog ah la yeeshaa Odayaal,Dhalinyaro,Haween, iyo qeyb kasta oo bulshada ah, marna wuxuu balan ka soo qabsadaa mid ka mid ah Safiirada baagamuundada ah ee Xalane dhooban, intaana dhalinyaradu waa shaqeyneysaa si ay u gaaraan hadafkooda oo ah iney bedelaan dhalinyarada sidooda oo kale 4 sano ka hor la soo jabhadeeyay Madaxweynaha hada fadhiya Madaxtooyada kuwaas oo lagu abaalmariyey xilal iyo mansabyo kale,waxey dhalinyaradu ujeedaan gawaaridooda iyo xafiisyadooda qurqurxoon,safaradooda iyo sida ay u nool yihiin, Musharaxuna waxa uu har iyo habeen isla maqiiqayaa waa inuu mar un Madaxtooyada tago oo Madaxweyne la yiraahdo, waana labada rajo ee lagu wada socdo.

Halkaas markeey taagan tahay, dhaliyaradii shalay iyo kuwa maanta waxba kuma kala duwana, waxeyna gebigood noqdeen kuwa ku shaqeeya Rajo iyo armaa hogaamiyahaagu wax noqdaa, waana nasiibdaro weyn oo ku dhacday dhalinyaradii  laga sugayay iney iyagu dalka iyo dadka u noqdaan cudud iyo caqli. !!

W/Q: Cabdulqadir Maxamed Faarax Dulyar

Hoos ka dhageyso Faaladan. Weriyaha Idaacadda Kulmiye Liibaan Nuur Lugcad ayaa soo jeedinaya.