Somali News

Faallo:-Loolan adag oo u bilowday xisbiyada ka jira dalka.

Muqdisho-KNN-Waa bilowga loolan adag oo siyaasadeed waxaana loo carayaa hogaanka dalka iyo taageerada shacbka, iyadoo xisbiyo loo marayo.

Waxaa la diiwaan geliyay Xisbiyo ay ka muuqdaan madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya sida Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed kuwo kale-na wadada ayay ku soo jiraan dadkuna magacyada xisbiyada la baxeen kuwo aan ahayn ayay ugu lamaananyihiin oo hadba waqtigii ay talada hayeen loogu yeeri jiray.

Dad lagu xanto in ay ka kala tirsanyihiin Nabad iyo Nolol , Damul jadiid , Aala shiikh iyo kuwo kale ayaa Muqdisho iyo meelo kale ka wada xod xodasho siyaasadeed oo gun dhig u noqonkarta xisbiyo yeesha dhidibbo adag.

Waxaa loo tartamaa heysashada siyaasiyiin magac iyo sameeyn leh dhanka xisbiyada.

Xisbiyo horey u jiray oo uu ka mid ahaa Daljir ayaa kamid noqday xisbi ay rag badan isu biirsadeen ee midowga nabadda iyo Horumarka oo Madaxweyne Xasan Shiikh gudomiye ka yahay.

Xisbigan waxaa ku jira saaxiibo marki hore siyaasadda ku kala aragti duwanaa , raga aragtida  dheerna ku kala sheegayeen Damul jadiid iyo Aalasheekh maantase waxay ku mideysanyihiin halkaa xisbi.

Wallow ay badanyihiin xisbiyada jira hadana waxa kamid ah “Himillo Qaran” oo uu hogaanka u hayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed madaxweynihi hore ee Soomaaliya ahaana kii ugu danbeeyay ee Kmg-ahaa ,waxaa ka tirsan xisbigaasi rag badan oo saaxiib siyaasadeed la ah Shariif Shiikh Axmed ,  in badan oo kamid ahna wali dalka ayay ka maqanyihiin balse loolanka Muqdisho ka socda qeybtooda kama marna.

Hogaamiyaha weerarkii hoygiisa lagu qaaday sida weyn ugu can baxay ee Cxramaan Cabdishakuur Warsame xisbiga uu kaadirka ka yahay ee wadajir ayaa qeyb ka ah baro tanka Magaaladana Rag taabacsan ayaa ka wada suuq geynta siyaasadooda .

Wadajir waxaa la hadal hayay in uu ku biirayo xisbiyada midoobayo balse ma dhicin oo hadal heyn kale ayay ahayd , dusha ayaana laga geeyayaa hadba dhanka ay u badan doonto.

Cumar Crashiid Cali Sharmaarke oo labo jeer soo noqday Wasiirka koowaad ayaa dhankisa wada olole mase cadda xisbigiisa oo waxaa dad badan ay la tiiriyaan Wadajir , mid cusub iyo mid kale oo uu Taabit Gudoomiyihi Gobalka Banaadir aas aasayo.

Madaxweynaha Doorashada markale gelaya ee Puntland  Cabdiwali Maxamed Gaasi hadii uu Maalinta salada ku soo bixin madaxtinimada Puntland iyo Gudoomiyihi hore Baarlamanaka Soomaaliya soona noqday Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif xasan Shiikh Aadan ayaan la dheyalsan Karin halka ay xisbiyada ka wajahaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Saaxibada la shaqeeya ee uu Kheyre u horeeyo ayaa iyaguna ku mideysan Xisbiga  Nabad iyo Nolol oo diiwana gelintiisu bilaabatay sida uu horey u sheegay ra’iisal wasaare xigeen Mahdi Guuleed.

Sanadkaan bilowga ah ayaa la qaban doonaa howsha ugu badan ee Xisbiyada dalka , rag walba ee damac uga jiro hogaanka dalkana dedal badan ayay bixinayaan qaar baa is baheysi sameysan doonaa oo dabaqaayada sanadkan iyo biowga sanadka soo socda ayaa la doonayaan in la dhameeyo Diiwaan gelinta rasmiga ah e xisbiayda oo ay ula imanayan kumanana ka qof ee taagersan , qorshahooda siyaasaded oo degsan , xarumaha Muqdisho iyo gobolada dalka iyo inkale oo shruuudaha qeyb ka noqondoonta oo la rumesaynn yahay in xisbiyada qaar ku adklaan doonto bals eay dhici doonto kuw midooba.