Faalooyin Somali News

( FAALLO ): Maxaa lagu xalin karaa khilaaf u dhexeeya siyaasiinta G/ Waqooyi ?

Siyaasadaha is diidan ee ka jira dalka waxay rog rogaan ra’yida dadweynaha, waxay jahawreer joogta ah ku ridaan dad badan oo rajo ka qabay in xaalku noqon doono mid u wada roon shacabka.

Inkastoo dalku uu galay xaalad doorasho, hadana xilliyada qaar waxaa isku xumaanaya dadka xigto ahaan isku dhawaa, balse ujeedka siyaasadeed ee uu qof waliba leeyahay ay keento adeegsiga erayo xanaf leh.

Dan siyaasadeed, doonis gooni ah iyo dad aaminsan in la dulmiyay lana duudsiinayo xaqoodii, ayay daalacdaan dadweynuhu dharaar waliba, taas oo daaha ka rogeysa tabashada la qabo iyo arimaha is diidan ee u muuqda bulshada.

Intaan laabin boggan, aan ku lifaaqo xaaladda taagan ee ah Gudiyada doorashada ee hagaya xildhibaanada gobolada waqooyi oo saami siman loo kala siiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo Cabdi xaashi, balse kala dhantaalmay iyadoo muddo khilaaf xirgo goostay uu ka dhex jiro.

Laba hoggaan oo kala duwan ayay doorteen, kadib doorashooyinka is diidan oo ka dhacay muqdisho, taas oo mar kale dibedda keeneysa ujeedooyinka siyaasadeed ee ka dahsoon shacabka.

Dhanka kale, jawiga ayaa is rogay markii Rooble uu soo dhaweeyay gudoonkii ay yeesheen garabka raiuslwasaare ku xigeenka, xaaladaas oo sii kordhisay kuleylkii ku shidnaa Cabdi xaashi.

Weydiimaha warcelinta loo heyn weli waxay kala yihiin sidee mar kale loo mideyn karaa garbahan kala go’ay ee masiir dad iyo deegaan matalaya, hadiise la waayo maslaxad keenta midow maxaa xigi kara, mise dhinac walba isagoo isla quman ayuu qaban doonaa howl qabyo ah ?

Xiliyadan oo kale dadlku markuu galay xili doorasho waxaa kordha siyaasiyiin kala xanaaqsan iyo kuwa is xiiseenaya, iyadoo aan la xulan doonista shacabka.

Aragtida siyaasadeed ee qofka iyo kooxda uu la jaal yahay ayaa dhacda xiliyada qaar in uu mugdi galiyo masiir umaadeed oo maal iyo makaxba loo huray.

Hadaba Khilaafka siyaasadeed ee jira iyo jawaab celinta deg deg ah ee jahwareerisay shacabka xal miyir qaba maloo heli karaa mise danaha gaarka ah ayaa ka muhiimsan oo waxaa la maaweelinayaa bulshada?