Somali News

Faransiiska oo dib u celiyay diyaarad siday Tahriibayaal u dhashay Hindiya

In ka badan saddex boqol oo rakaab Hindi ah oo saarnaa diyaarad ku sii jeedday dalka Nicaragua oo lagu xayiray Faransiiska sababo la xiriira walaac laga qabo tahriibinta dadka ayaa dib loogu celinayaa Mumbai.

Diyaaradan oo ka soo duushay Dubai, ayaa lagu qabtay magaalada Vatry ee waqooyi bari Faransiiska, maalintii Khamiista, kadib markii ay halkaas ugusoo degtay shidaal qaadasho.

Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa laba maalmood su’aalo weydiinayey rakaabka kadib markii si qarsoodi ah loo ogaaday in qaarkood la tahriibinayey, Maraykanka-na loo waday.

Laba ka mid ah dadkii diyaaradda saarnaa ayaa weli ku jira gacanta Faransiiska. Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in lagu soo oogo dambi ah inay maleegayeen inay gacan ka geysteen ajaaniibta aan sharciga heysan ee soo galaya dalka.