Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay ka hadlay dhalinyarada ku maqan Eritrea.

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka hadlayay Munaasabad uu xilka madaxtinimadda dalka ugu wareejinayay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay waxqabadkii doowladiisa 5 sanno ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeeyntii sheegay in shan kun oo Askari ay tababar ugu qaadeen dalka ereteriya, sidoo kalana ay dhameesteen tababarka sanadkii lasoo dhafay bartamihiisa.

“Shan kun oo askari ayaan tababar u geynay Eretareya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn Doorashada Dalka”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in shantii sanno ee uu xukunka joogay Kiiskii badda ay ku guuleeysteen soo celistiisa, iyo sidoo kale soo celistii hawadii Soomaaliya,

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale yiri “dhulkii iyo dhismayaashii dowladda oo sidoodii ah oo aanan cidna mulkiyad siin ayaan kugu wareejinayaa Madaxweyne Xasan”.