Somali News

Farmaajo oo qaatay Shahaada Musharaxnimo ee Doorashada Madaxweynaha

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta qaatay Shahaada Musharaxnimo ee Doorashada Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo shantii sano ee la soo dhaafay hayay xilka, ayaa mar kale doonaya in uu ku guuleysto afar sano oo kale.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ayaa maalintii labaad wada diiwaan gelinta Musharaxiinta oo tiradoodu 30 kor u dhaaftay.

Maalinta Axadda oo taariikhdu ku beegantahay 15 bisha May ayaa lagu wadaa in Teendhada Afisiyooni ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Labada Aqal ee baarlamaanka ayaana fadhi wadajir ah ku dooran doona Madaxweynaha xiga ee Soomaaliya, ka dib muddo sannad ah oo Doorasho daba dheeraatay ay ka socotay dalka.