Somali News

Farmaajo oo shegay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka codsadeen in uu mar kale is sharaxo.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay shaaciyay in uu yahay musharax madaxweyne oo markale u taagan xilkaasi, isaga oo tibaaxay in codsi uga yimid shacabka awgiis uu go’aankaas u gaaray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka ka codsaday in ay xildhibaanada ka codsadaan in ay codkooda isaga siiyaan. Wuxuu sheegay in xildhibaan kasta uu metelo 60 kun oo qof.

Arrintan ayaa waxa ay soo gunaanadday hadal hayn maalmahan socotay oo ku saabsanayd in uu markale isa soo taagayo iyo inkale.

Doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ayaa loo madlanyahay 15-ka bishan May, iyada oo maalintii koowaad ee is diiwaangalinta ay shahaadada qaateen illaa 10 musharax.