Somali News

Fashil ku yimid qorshe lagu sii deyn lahaa Mukhtaar Roobow

Baydhabo-KNN-Magaalada Baydhabo xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay guddi loo xil saaray ka shaqeynta sidii loo siideyn lahaa wadaadka Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Mid kamid ah Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xubin ka ahaa guddigii loo xilsaaray sii deynta Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in qorshihii lagu siideyn lahaa wadaadkaas uu fashilmay.

Guddomiyaha Baarlamaanaka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen oo horay ubalan qaaday in ay dadaal ugalayaan siideynta Mukhtaar Roobow ayuu sheegay guddigu in ay ku fashilmeen.

Mukhtaar Roobow oo ahaa musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxa ay ka soo xirtay magaalada Baydhabo, intaasi wixii ka danbeeyana waxaa fashilmay dadaalo badan oo lagu doonayay in lagu soo daayo Mukhtaar.