Somali News

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay dib u dhaca ku yimid Doorashada Baarlamaanka Soomaaliland.

Hargeysa-KNN-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa si kulul ugu hadlay doorashada Golaha Guurtada oo la sheegay in dib u dhac uu ku yimid.

Waxaa uu sheegay in arintaasi aysan xisbigooda u dulqaadan doonin, isagoona eedo u jeediyay Xukuumadda Muuse Biixi.

Feysal ayaa sheegay in xildhibaanadii uu ku lahaa barlamaanka maamulkaasi la afduubtay aysanna wax awood ah lahayn.