Somali News

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Musharixiin kale oo is diiwaangeliyay.

Muqdisho-KNN-Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqotay gabadha keliya ee ilaa haatan isu diwaan gelisay inay u tartanto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa maalintii labaad galay diwaangelinta musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Musharrax Madaxwayne Muqtaar Maxamed Sayid, Musharrax Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle Xaaf, iyo Musharrax Madaxwayne Saciid Ciise Maxamuud ayaa iyaguna kamid noqday Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa weli la sugayaa inay shahaadada musharaxnimada qaatan musharaxiin kale oo ay ka mid yihiin Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne Farmaajo.