Somali News

Gaalkacyo: Golaha deegaanka oo doortay duqa degmada iyo ku xigeenkiisa

Waxaa galabta koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka dhacday doorashada guddoomiyaha degmada Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo ay soo doorteen golaha cusub ee deegaanka.

Cabdirahman Sheekh Xasan ayaa loo doortay guddoomiyaha degmada Gaalkacyo, mana jirin cid kula tartantay xilkaas, maadaama musharaxii kula tartamayey xilkaas uu ka tanaasulay.

Cabdifitaax Axmed Barre ayaa saacado yar ka hor inta aysan bilaaban doorashadu isaga tanaasulay doonista xilkaas, welina ma uusan shaacin sababta, waxaana sidaas xilka duqa degmada Gaalkacyo loogu doortay Cabdirahman Sheekh Xasan.

Sidoo kale ku xigeenkiisa waxaa loo doortay Maxamed Cabdi Cilmi oo ay la tarmameen laba musharax oo kale.

Magaalada Gaalkacyo ayaa noqotay magaaladii ugu horeysay Galmudug ee yeelata gole deegaan. 27-ka xubnood ee golaha deegaanka ayaa maalin ka hor xilalkooda loo dhaariyey kadib markii ay liiskooda shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaas.