Somali News

Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo lagu qarxiyay Duleedka Afgooye

Afgooye-KNN-Wararka ka imaanaya gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in qarax miino ay maanta haleeshay gaari ay saarnaayeen dad shacabka oo marayay duleedka Degmada Afgooye.

Gaariga miinada kula qaraxday  ayaa la sheegay inuu ka yimid deegaanka Cabdow dibile ee duleedka degmada Afgooye,waxaana la tilmaamay in gaariga uu ku soo jeeday Magaalada Muqdisho, iyadoona gaariga miinada kula qaraxday uu ahaa Hoomey ama Caasi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in khasaaro lixaad leh uu soo gaaray dadka shacabka ee saarnaa gaariga miinada haleeshay, waxaana la ogeyn inta qof ee saarna gaariga.

Qaraxyada miinada lagu aaso ayaa marar badan waxaa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose, iyadoona khasaaraha ugu badan uu soo gaaro dadka shacabka ah.