Somali News

Gabar da’yar oo lagu Kufsaday Degmo ka tirsan Sh/Dhexe

Muqdisho-KNN-Askari ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugan degmada Raage-ceelle ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa la sheegay in uu kufsaday gabar 9 sano jir ah sida ay Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyeen waalidiinta Gabadha la kufsaday.

Gabadha oo sidoo kale si daran loo jirdilay ayaa la keenay Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo sida la sheegay dhiig baxaysa.

Hay’ada Dambi baarista Booliiska Soomaaliya ee CID-da iyo Isbitaalka Madiina ayaa la sheegay in ay xaqiijiyeen kufsiga Gabadha oo hadda ku jirta xaalad adag.

Falkaas ayaa ka dhacay guri ka soo horjeeda xarunta maamulka degmada Raage-ceelle ee Gobalka Shabeellada dhexe, Saraakiisha gobolka ayaa KNN u xaqiijiyay in ay ka war heleen Kufsiga Gabadha,  waxayna sheegeen in uu baxsaday Askarigii falkaas ka dambeeyay.

Ehelada Gabadha lagu kufsaday Raage-ceelle oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa dalbaday in ay caddaalad hesho Gabadhooda, iyagoo xusay in Askarigii tacadiga u geystay Gabadhooda uu galay xarunta maamulka degmada Raage-ceelle, ilaa hadana ay san jirin cid ka gacan siisay soo qabashada Askarigaas.