Somali News

Galmudug iyo Puntland oo ku dhowaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Maamulada dariska ah ee Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ku heshiiyay in ay iska kaashadaan dagaalada ka dhanka ah dagaalmeyaasha Al-Shabaab.

Kulan ay goobjoog ahaayeen wasiirada amiga, saraakiisha ciidamada dowlad-gobolleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xoohjinta amniga iyo iskaashi laga sameeyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana hal meel looga soo wada jeesto cidkasta oo ka shaqeyneysa amni darro.

Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in la isku raacay sidii wada jir la isaga kaashan lahaa sugida amniga labada maamul.