Somali News

Galmudug oo Caabudwaaq kula wareegtay gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad

Caabudwaaq-KNN-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta magaalada Caabudwaaq kula wareegay gadiid dagaal iyo maleshiyaad ay ku wareejisay mid ka mid ah beelaha degan magaaladaas.

Gadiidka maanta lagu wareejiyay Madaxweyne ku xigeenka iyo ciidanka waxa uu sheegay inay ka mid noqonayaan ciidamada darwiishta Galmudug, isla markaana la tababari doono.

Odayaasha iyo saraakiisha beesha Celi oo ah beesha wareejisay ciidankaas ayaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug u sheegay in maanta wixii ka dambeeya gadiidkaas iyo ciidankaas-ba ku wareejiyeen dowlada goboleedka Galmudug. Sidoo kale qeyb labaad ayey sheegeen in maalmaha soo socda ay wareejin doonaan.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka ayaa maanta shir guddomiyay kulan looga hadlayey amniga oo ka dhacay Caabudwaaq, waxaana ka qeyb galay wasiirrada amniga Axmed Macalin Fiqi, arrimaha gudaha Cabdiwayeel , gargaarka iyo wasiiru dowlaha maaliyadda Galmudug.

Sidoo kale Taliyeyaasha ciidamada ayaa qeyb ka ahaa kulankaas, waxaana diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka deegaanada maamulka Galmudug.