Somali News

Galmudug oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Galgaduud

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo maanta lagu dilay deegaanka Ceeldheere oo u dhaxeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel,kadib markii gaarigii ay la socdeen ay ku qaraxday Miino wadada dhineecda la dhigay .

In ka badan yaraan 10 askari oo uu ku jiro taliyihii ciidamada nabad sugida ee caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdinuur Qooje ayaa ku dhintay,waxaana sheegtay mas’uuliyada weerarkaas Al Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu tacsi ugu dirayo dhamaan ciidamada mamaulka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya isaga uga tacsiyadeeyay geerida ku timid askartaas maanta la laayay.

Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in ciidamada mamaulka Galamudug iyo kuwa dowladda federaalku ay howlgallo ka wadaan aaggii qaraxa Miinadu ka dhacay ee lagu dilay askarta isaga oo intaas ku daray in dhaawacyo ka dhashay qaraxaas lagu daweenayo Isbitaallada.

“Isla markiiba ciidamada ammaanka ayaa isku fidiyay aagga wax ka dhaceen walina waxay wadaan howlgallodabagal ah “ayuu yiri wasiir Falagle.

Wasiir Falagle wuxuu sheegay in la joojiyay xaflad caawa la doonayay in la qabto taas oo la donayay in loogu dabaal dego sanadguuradii koobaad oo ka soo wareegatay markii la doortay madaxda maamulka Galmudug ,maadama ay tacsi u taalla bulshada deegaannadaas.

Deegaannada Galmudug waxaa waayahaan ku soo badanayay weerarada Al-shabaab ay halkaa ka gaysanayaan,iyadoo intii uu socday Shirkii is faham la’aanta ku soo dhamaaday ee u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa Maamul-goballedyada magaalada Dhuusamareeb qeyabo ka tirsan lagu garaacay madaafiic taas oo dad ku waxyeeloobeen.

Sidoo kale qaybo ka tirsan Galmudug waxaa ka socda dagaal beeleedyo soo noq noqday oo dad ku dhinteen kuwa kalana ku dhawaacmeen