Somali News

Galmudug oo shaacisay inay baadi goobayso xubno uu ku jiro Shiikh Shaakir(Akhriso)

Taliska Booliiska Galmudug ayaa baahiyay magacyada 36-qof oo Galmudug u aqoonsatey in ay yihiin dambiilayaal, kuwaas oo la farey laamaha amniga ee Galmudug iyo maamulada kaleba in ay gacan ka geystaan soo qabashadooda.

Ragga la baadi goobayo ee baxsadka ah ayaa waxaa ugu horeeya sida qoraalka lagu sheegay hoggaamiyaha kooxda Ahlusunna Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo 35 kamid ah saraakiishii hoggaaminaysa kooxdaasi.

“Waxaan soo gunaanadney wajigii 1-aad ee howlgalkeenii, waxaa bilaawday waji labaad oo aan kusoo qaban doono dambiilayaasha oo aan rabno in dowladaha dariska ah iyo laamaha amniga guddahaba ay ka howlgalaan in cadaalada la hor-keeno.” Afhayeen u hadley Booliiska Galmudug Nuur Cilmi ayaa sidan u sheegay Warbaahinta.