Somali News

Ganacsiga Gaalkacyo oo maanta hakad galay

Gaalkacyo-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaa uu joogsaday dhaqdhaqaaqii ganacsi, kadib markii dibadbax rabshado wata ay magaalada ka dhaceen.

Dadka magaalada gaar ahaan dhinaceeda koofureed ayaa isu soo baxay waxa ayna ka ashtakoonayaan isbaarooyin aan tiro yareyn oo duleedka Gaalkacyo yaalla.

Maamulka Galmudug iyo dawladda dhexe ayay dadkani ka dalbadeen in wax laga qabto jidgooyooyinkan, kacdoonkan shacabna waxa uu soo bilaawday maalinimadii shalay aheyd.