Somali News

Garbahaarey: gabdho walaalo ah oo ku geeriyooday tog ay ku dhaceen

Laba gabdhood oo walaalo ah ayaa ku geeriyooday, halka mid kalena ay dhaawacantay ka dib markii ay ku dhaceen tog ku yaalla magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Goobjooge ku sugan Magaalada Garbaahrey ayaa inoo sheegay gabdhaha walaalaha ah ay ku sugnaayeen meel u dhow toga oo biyo ka buuxeen.

Gabadha dhaawaca ah ayaa xaaladeeda caafimaad lagu dabiibaya mid kamid ah Isbitaalada magaalada Garbahaarey.

Toga ayaa waxaa ka buuxa biyaha Roobka ka da’ay gobolada Dalka.