Somali News

Gen. Haftar oo amray weerar ka dhan ah shirkadaha Turkiga ee ku sugan dalka Liibiya

Muqdisho-KNN-Taliyaha Dagaalamayaasha  ku sugan bariga Liibiya Gen. Khalifa Haftar ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in uu mamnuucay duulimaadyada diyaaradaha Turkiga ee isaga kala goosha Liibiya iyo Turkiga.

Mr Haftar ayaa dhanka kale ku amray ciidankiisa in ay weerar ku qaadaan maraakiibta iyo doomaha ganacsiga ee Turkiga leeyahay sida uu sheegay afhayeenka Jeneraalka oo lagu magacaabo Ahmed al-Mismari.

Wuxuu ku eedeyay dowlada Ankara in ay taageerto xukuumada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya kana garab siisay dib ula wareegida magaalada istaraatiijiga ah ee Gharyan oo dhanka koonfureed kaga beegan caasimada Tripoli.

Al-Mismari ayaa intaa ku daray in amarkaan uu siinayo maleeshiyada ku sugan bariga Liibiya in ay weerari karaan oo kale shirkadaha Turkiga ee mashaariicda kala duwan ka wada Liibiya.

Afhayeenka Haftar ayaa tilmaamay in diyaaradaha dagaalka Turkiga ay bambooyin ku garaaceen fariisimaha ay ciidankooda kaga sugnaayeen magaalada Gharyan oo maalintii arbacada laga Qabsaday.