Somali News

Gobolka Banaadir oo ku guuleysatay koobka maamul goboleedyada

Kooxda kubadda cagta ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleysatay koobka tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee Soomaaliya.

Banaadir ayaa 2-2 oo rigoore gaartay kaga badisay kooxda Galmudug oo ciyaar adag oo 90 daqiiqo ah wada ciyaareen.

10 sano kadib waa markii ugu horeysay uu Gobolka Banaadir ku guuleystay tartanka ciyaaraha kubada cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Sidoo kale waxaa jiray kumanaan mucaashaqiinta kubada cagta ah oo baraha bulshada iyo telefishinada kala socday ciyaarahani.

Tartankan ayaan la qaban muddo labba sanno ah sabab la xiriirta khilaafka u dhaxeeyay dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Madaxaweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay tartankan ayaa hambalyo u diray xulka gobolka Banaadir.