Somali News

Golaha ammaanka ee Q.M oo war kasoo saartay dilka weriyihii Al-Jasiira Sheeriin

Golaha amaanka ee Q,M oo cambaareeyay dilka weriyihii telefishinka Al-Jasiira Sheeriin Abuu Caqli ayaa amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dilkeeda.

Qoraal kasoo baxay golaha amaanka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo sida uu u dhacay dilka weriye Sheeriin.

Xubnaha golaha amaanka ayaa isku raacay inay muhiim tahay in la ixtiraamo weriyaasha ka shaqaynaya dhulka Falastiin.

Sheeriin Abuu Caqli oo 51 sanno jir ahayd ayaa la dilay todobaadkii hore ayadoo kasoo waramaysa magaalada Jenin ee dhulka Falastiin xilli ciidamada Yahuudu hawlgal ka wadeen xero barakacayaal deganyihiin.