Somali News

Golaha Ammaanka ee QM oo cunaqabateynta hubka ka qaaday Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaadista xayiraadaha haray ee saaran in dowladda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ammaanka ay helaan hub, sida ay sheegeen diblomaasiyiin.

Golaha ayaa cunaqabateynta ka qaaday Soomaaliya ka dib in ka badan 30 sano oo ay saarneyd.

Xubnaha 15-ka ah ee golaha ayaa 14 kamid ah ayaa ogolaaday qaraarka cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya, halka midka kalena uu ka aamusay