Somali News

Golaha Ammaanka oo kulan ka yeelanaya Xaaladda Soomaaliya

Maalint Berri ah, Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa kulan gaar ah ka yeelanaya Xaaladda Siyaasadeed iyo tan Amni ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu xaqiijiyay Kulankaasi Golaha Ammaanka ee Xaaladda Soomaaliya.

Qoraalka uu soo saaray Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in Kulanka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee Xaaladda Soomaaliya uu qabsoomi doono Maalinta Isniinta ah ee 19 Febraayo 2024.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya 6:00 galabnimo waqtiga Muqdisho maalinta Isniinta oo ku beegan 19-ka Febraayo” ayaa lagu yiri Qoraalka. Kulanka waxa sidoo kale warbixin ku saabsan Xaaladda Soomaaliya ka jeedin doonta Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya marwo Catriona