Somali News

Golaha Ammaanka oo u codeynaya cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimce ah u codeynaya in cunaqabateyn hubka laga qaado Soomaaliya.

15 xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ah ay ansixiyaan labo qaraar oo ay soo diyaarisay dowladda Britain, sida ay sheegayaan diblumaasiyiin sare.

Labada qaraar ayaa kala ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo dhan iyo mida kale la adkeeyo cunaqabateynta hubka ee saaran Al-shabaab. 

Soomaaliya ayaa cunaqabateynta hubka la saaray sanadkii 1992, markaasi oo ay burburtay Dowladda dhexe ee dalka, isla markaasna hubkii gacanta u galey Maleeshiyooyin. 

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer codsaneysay in laga qaado cunaqabeynta si ay awood ugu yeelato dagaalka Al-shabaab. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billaawgii todobaadkan sheegay in Soomaaliya bishaan gudaheeda laga qaadi doono cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saaran.