Somali News

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyey sharci muhiim u ah dalka

Muqdisho-KNN-Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankoodii 24-aad ee Kalfadhiga 6-aad waxay maanta ku ansixiyeen hindise sharciyeedka Batrooolka dalka.

Kulanka waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Senetor Cabdi Xaashi Cabdullahi, iyadoo ay ku wehelinayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad Abshir Maxamed Axmad iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad Moowlid Xuseen Guhaad.

Wasiirka Batroolka xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiir ku-xigeenka wasaarada Batroolka Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda Batroolka ayaa hor tegay fadhiggii maanta ee golaha Aqalka Sare.

Kulanka ayaa looga dooday soojeedin senetorrada ay soo gudbiyeen oo aheyd in la ansixiyo hindise sharciyeedka Batroolka, sida uu oga soo gubay Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa soo xaadirtay 28 senetor waxaana cod loo qaaday sharciga Batroolka kadib markii la marsiiyey akhrinta seddaxaad, in uu ansaxo 24 Senetor, halka ay ka aamuseen 4 senetor.

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Senetor Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqay in uu ansax yahay hindise sharciyeedka Batroolka dalka, kaas oo horay ay u soo meel mariyeen xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana haatan u dhiman saxiix madaxweyne si uu u dhaqan galo.